Friday, April 18, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii RW Rooble iyo Xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland..? (Arrin aan la fileyn)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulan gaara la yeeshay xildhibaannada labada Gole ka soo jeeda gobolada waqooyi.

XIldhibaanadan oo ka koobnaa taageerayaasha labada Garab ee ay kala hoggaaminayaan guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulanka ku tegay martiqaad uu u diray Rooble.

War uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu kala hadlay arrimaha doorashooyinka, una xaqiijiyey in kuraasta Gobollada Waqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Ad

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay kulanka ay xilli danbe ogaadeen, intii uu socdayna uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey codkii ansixinta ee ay siiyeen 9 bilood ka hor isaga iyo Xukuumadiisa.

“Inkasta oo aanu filaynay in Ra’iisul Wasaaruhu nagala hadli doono arimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan Gudiga Doorashada SEIT ee Somaliland ma soo qaadin, ma jirin wax fikir iyo hadal isweydaarsi ah mahadcelinta Ra’iisul Wasaaraha ka dib” ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Qaar ka mida Xubnihii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in khudbadii Rooble ee ballanqaadka iyo mahadcelinta ahayd kadib uu shirka ka tegay iyadoo aan waxba la iska weydiin xaaladda ka taagan guddiga Doorashada Somaliland iyo khilaafka dhex hogan aya.

- Advertisement -

Kulankan ayaa yimid xilli xasaasi ah oo Guddiga Doorashada Somaliland ee uu laba garab u kala jabay, waxaana la filayey inuu Rooble xal u raadiyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON