Saturday, March 15, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii adkaa ee dhex maray Golaha Wasiirada iyo Culimada? [Shir Jaraa’id]

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir la yeeshay Culimadii dhowaan Bayaanka kasoo saaray Siyaasad Qaran oo ku saasban Jinsiga oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirad, waxaana kulanka labada dhinac oo saacado dheer qaatay kadib lag soo saaray  qodobo ay isku raaceen oo uu saxaafadda u akhriyay  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Qodobada ayaa kala ahaa:

  1. Wax kasta oo shuruuc ama siyaasad ah oo dalka dajinayo in la xoojiyo la tashiga lagala yeelanayo Qeybaha Bulshada gaar ahaan culimada lana hubiyo in aysan ka hor imaaneynin Shareecada islaamka.
  2. In guddi ka kooban Culimada iyo Golaha wasiirada loo saaro inay dib u eegis ku sammeeyaan qaabka ay ku qoran yihiin Qodobada keenay tuhunka ee ku jira siyaasadda Qaran ee Jinsiga.
  3. Culimadu waxa ay ka xun yihiin sida loo fasiray bayaankoodii waxayna aaminsan yihiin in culimada iyo xukuumadda meel uga wada soo jeedaan difaacidda diinta Islaamka.

Ugu dambeyntii kulanku waxa uu ugu baqayaa una soo jeedinayaa Umadda Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xasillooni darro, khilaaf iyo kala qeybsanaan.

Ad

Waxaa isma saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad oo sheegay inuu xukuumadda Soomaaliya uga mahadcelinayo  la-tashiga ay ugu yeereen Culimada.

“Bayaankii iyo hadalkii aad maqleyseen ayaan soo wada saarnay anaga hadaan culimada nahay waxaan ka hadleyno waa danta caamka ah, cidna ma ijaafeeneyno mana dhibeyno, waana ku mahadsanyihiin golaha wasiirrada inay fursaddaan na siiyeen, oo aan ka wada doodnay kana faa’ideysanay soona saarnay hadalkaa loo mideysan yahay” Sheekh Bashiir Axmed Salaad

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa isna goobta ak sheegay  in dowladda Soomaaliya aysan marna aqbaleynin sharci kasta oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

Wuxuu xaqiijiyay in shuruucdaan Adduunka la saxiixo ayna yihiin heshiisyo iyo Cahdiyo quseeya bulshada, dhammaan heshiisyadaas waxaa jira waddooyin sharci oo la mariyo, sida kii Carruurta oo uu sheegay inay Soomaaliya Saxiixday lana marsiiyay Baarlamaanka, markuu baarlamaanka dib u eegay waxaa laga badalay saddex qodob kadib. Wuxuuna caddeeyay inaysan qaadaneynin wixii shareecada islaamka ka horjeeda.

- Advertisement -

Wuxuu ka digay fasiraad khadan oo laga bixiyay Siyaasadda Jinsiga, taasoo uu sheegay inay keeni karto xasaasiyad aan loo baahneyn, iyadoo la faafinayo wax aan jirin oo been abuur ah.

Labada dhinac ayaa Guddi u saaray arrintan iyadoo la sheegay inay kulmi doonaan si ay u turxaan bixiyaan khaladaadka lagu sheegay Siyaasadda Qaran ee Jinsiga.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON