Tuesday, December 10, 2024

Maxaa ka socda Maxaas?: Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalka iyo xaaladda siyaasadda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay tegay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kadib markii uu muddo bil ah ku sugnaa caasimadda Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Tegista Madaxweynaha ee degmada Maxaas ayaa timid xilli xasaasi ah oo dagaalkii dowladda Federaalka kula jirtay Alshabaab uu soo wajahay culus ka yimid weerarkii Cows-weyne oo qasaare kasoo gaaray ciidamada dowladda, kaasoo keenay in degaano dhowr ay dib uga baxaan ciidamada dowladda.

Xogta laga helayo Maxaas ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isla markii uu tegay halkaasi uu la kowsaday laba garab oo isku haya siyaasadda Hirshabeelle oo kala ah garab raacsan Maamulka Hirshabelle iyo Garabka ka horjeeda ee taageersan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Cali Jeyte.

Ad

Waxaa la isku qabtay soo dhoweynta Madaxweynaha, taasoo khilaafkii ka dhashay uu keenay in ciidamada kaliya loo ogolaado, waxaana kulamo kala gaara uu madaxweynaha ilaa xalay iyo maanta la waday madaxda iska horjeeda.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka madaxweynaha oo ahaa dardar gelinta dagaalka Alshabaabay marka hore qasab ku noqotay inuu xal u raadiyo khilaafka siyaasadeed ee Hirshabeelle, si uu taageero ugu helo ololaha dagaalka Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON