Saacidihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle kasoo cusboonaaday mooshino xil ka qaadis oo iska horjeeda iyo Baarlamaankii maamulkaasi oo laba u kala jabay.
Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cusmaan Barre ayaa cirka isku shareeray bartamihii bishii Maarso, kaasoo keenay in dhowaan ay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka saxiixaan xildhibaanno taageersan Madaxweyne Waare, kaasoo lagu eedeeyay Guddoomiye Sheekh Cusmaan inuu faragelin ku sameeyay awoodihii Madaxweynaha.
Xalay saqdii dhexe ayay soo shaac baxeen laba mooshin oo midkood uu shaaciyey xafiiska Madaxweynaha, kaasoo ay saxiixeen 63 xildhibaan laguna sheegay inuu yahay xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamanka, laakiin mooshin kale oo daqiiqado kadib soo baxay ayaa iyagu xildhibaanno taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka ay shaaciyeen inay ka gudbiyeen Madaxweyne Waare si xilka looga qaado.
Kulankii ugu danbeeyay ee xalay dhex marya Madaxweyne Waare iyo Guddoomye Sheekh Cismaan Barre ayaa lagu kala tegay markii uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday, wuxuuna sheegay Sheekh Cusmaan Barre inuu qabtay Mooshin ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan oo xil ka qaadista Madaxweynaha ku saabsan, kadib markii uu ku fashilmay hoggaanka Maamulka Hirshabeelle.
Is qabqabsiga magaalada Jowhar ka taagan ayaa yimid xilli xasaasi ah oo waqtiga maamulkaasi uu sii dhammaanayo iyo xaalada cudurka Corovonavirus oo saameyn weyn ku yeelatay madaxa iyo xildhibaannada maamulka markii uu u geeriyooday wasiiru dowle ka tirsan Hirshabeelle.
Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu tilmaamaa mid ay ragaadiyeen maamul xumo baahsan oo aan wax horumar ah sameyn tan iyo markii la dhisay, waxaana hore xilka looga tuuray madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble oo ku baxay qalalaase siyaasadeed oo ay riixeysay dowladda Federaalka.