Friday, March 21, 2025

Maxaa ka socda dalka Jordan..? (Nin la dhashay Boqorka oo lagu tuhmay xiriir uu la yeeshay Sacuudiga iyo Israa’iil)

Dalka Jordan waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka taagnaa Xiisad u dhaxaysay Boqorka dalkaasi Boqor Cabdallaha Labaad iyo Walaalkii Amiir Xamza oo xabsi guri la geliyay, markii looga shakiyey khalkhal amni.

Amiir Xamza ayaa lagu eedeeyay inuu faraha kula jiro xaalad-abuur iyo falal halis ku ah nabad-galiyada Boqortooyada Jordan, isagoo xiriiro la yeeshay beelaha dalkaasi, isla markaana la sheegay inuu xiirir la sameeyay dalal sisheeye oo markii danbe la ogaaday inay ahaayeen sacudiga iyo israa’iil.

Arrintan ayaa keentay n xabsi Guri la geliyo Amiir Xamza, iyadoo uu kusoo baxeen Amiir Xasan oo ah Boqorka adeerkii iyo xubno ka mida Qoyska Haashimiyiinta, kadibna ay waanwaan ka galeen xaaladda Boqor Cabadalla iyo Walaalkii Amiir Xamza, waxaana kulanka kadib ayuu Amiir Xamza soo saaray war-saxaafdeed uu magaciisu ku saxeexay, kuna sheegay inuu daacad u yahay Boqorka, islamarkaana uu xaq dhowrayo dastuurka boqortooyada Jordan.

Ad

Amiir Xamza ayaa hore u sheegay inuusan u hogaansami doonin amarka lagu soo rogay ee ah inaanu guriga ka bixin isla markaana aanu wax xiriir ah la sameeynin dibada. Dowladda Jordan ayaa ku eedaysay Amiir Xamza inuu xiriir la leeyahay dhinacyo shisheeye oo aan haybtooda la shaacin iyo inuu maleegayey falal ka dhan ah dowladda.

Khilaafka Boqor Cabdalla iyo Wallaalkiis ayaa soo bilowday markii uu Amiir Hamza ka wareejiyey xilka dhaxal-sugaha oo wiilkiisa Xuseen BBin Cabdalla uu u magacaabay xikaasi, wuxuuna ka hadlay musuq-maasuqa faraha ka baxay iyo xukuumadda Kordan oo uu ku tilmaamay mid aad u liidata oo gabtay waajibaadkeedii.

Wargeyska Washington Post ayaa maanta qoray in Amiir Hamza uu taageero ka helay ganacsade Israa’iil u dhashay oo ku xiran sirdoonka dalkaasi, kaasoo diyaarad gaara doonayey inuu u diro si uu u baxsado amiirka.

- Advertisement -

Dhinaca kale Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Feysal Bin Farhan ayaa tegay magaalada Cammaan ee dalka Jordan, waxaan la sheegay inay dalbadeen in lasii daayo oo uu ay hore u wataan mid ka mida mas’uuliyiinta la xiray oo lagu magacaabo Basim Ciwadullahi oo hore ahaa ergeyga Boqorka u qaabilsan Sacuudiga.

Ninkan ayay wararka qaar sheegeen inuu ahaa xiriiriyaha Amiirka la dhashay Boqorka Jordan iyo Sacuudiga, isla markaana la qorsheynayay in dalkaasi laga sameeyo qorsha ay Sacuudigu ku lug lahayd.

Dowladda Jordan ayaa beenisay arrintan, waxayna sheegeen inuusan wafdigooda wadan wax dalab ah oo ay taageerada boqorka Jordan u tageen halkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON