Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay degmada Ceel-Barde ee Gobolka Bakool, kaasoo dhaliyey qasaare iyo dhimasho iyo dhaawac leh.
Dagaalkan oo hab qabiil u abaabulnaa ayaa dhex maray Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa iyo dadka degaanka CeelBarde iyo ciidamada Milateriga, wuxuuna dagaalku bilowday Duhurnimadii maanta.
Dagaalka Ceelbarde ayaa ka bilowday markii askari toogasho ku dilay, waxaana ka horeysay dhacdo kufsi oo loo geystay gabar uu dhalay sarkaal milateri ah, taasoo keentay in labada ciidan ay dagaalamaan.
Sidoo kale waxaa magaalada Ceelbarde ayaa ka taagneyd xiisad ka dhalatay xil ka qaadis Maamulka K/Galbeed ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Ceelbarde oo haddana uu dib uga laabtay.
Qasaaraha dagaalka Ceelbarde ayaa wararku sheegayaan inuu gaaray 10 dhimasho ah iyo dhaawac ka badan, iyadoo ciidamadii Daraawiishta K/Galbeed iyo Milateriga ay is horfadhiyaan.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Geedi oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kuna sugan Ceelbarde ayaa sheegay in Daraawiishta laga keenay K/Galbeed oo markii hore loo keenay howlgal, kuwaasoo sida uu sheegay dhibaato ku haya dadka Ceelbarde, dagaalkana uu amray Madaxweynaha K/Galbeed.
Odayaasha Beesha magaalada ayaa ku eedeeyay Maamulka Madaxweyne Laftagareen inuu dagaal ka abuuray Ceelbarde oo nabad ahayd, waxayna caddeyeen inaysan taageeren guddoomiyaha degmada ee Daweeye C/llaahi Carte, ayna ogolaan doonin inay K/Galbeed hub isugu dhiibto Beesha degaanka oo fitno ka dhex abuurto.
Dagaalkamn ayaa imaanayaa xili Isniintii uu dagaal culus ku dhex maray magaalda Baraawe kaasoo u ciidamada Milatariga iyo kuwa Daraawiishta Koonfur galbeed, isla markaana ay xiisad dhisme maamul ka taagan tahay degmada Buurhakaba.