Saturday, June 21, 2025

Maxaa ka si ah Xiriirkeenna Kenya…? (Qormadii Yusuf Garad)

-

- Advertisement -

Sharciga Batroolka ayuu Baarlamaanku la degdegayaa. Dhinaca kalena waxaa isa sii dhimaya oo hoos-u-tiris ku socda wakhtiga ka haray in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay go’aan ka gaarto muranka soohdinta Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labaduba waxay ugu yaraan uga sii dari karaan xiriirka mugdigu soo galay ee nagala dhexeeya dalka aan jaarka iyo saaxiibkaba nahay ee Kenya. Waxaa xusuusin mudan ee aagga badda aan ku muransan nahay iyo dhulka ku beegan ay hadda ilaaliyaan ciidanka Kenya oo dhinacna ka tirsan AMISOM.

Waxay arrintaasi dhacaysaa iyada oo Saaxiibbadeen Kenya dowlad iyo shacab, kor iyo hoosba ay noogu sheegeen karkoodu meesha uu marayo ku saabsan dacwadda soohdinta badda ee aan ka geynay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Mararka qaar hanjabaad ayay ku dareen ugu yaraan hal marna tallaabo waxay qaateen looga nixiyay Soomaaliya.

Waxaa kale oo Kenya ay si maxfal ah uga cabatay waxa ay ku tilmaantay qaabka ay Madaxda Soomaalidu ula dhaqanto Kenya.

- Advertisement -

Waxaa hadda youtube wareegaya Video xaalad-abuur loogu talo galay. Waxaa uu faafinayaa marinhabaabin iyo kicin shacab. Wuxuu sababi karaa isku dir laba bulsho, isla markaasna horseedi karaa isir nacayb uu ka dhalan karo xad gudub iyo faquuq lagula kaco mid ka mid ah qowmiyadaha Afrika ugu weyn oo qaarkood ay yihiin Kenyaan. Ma filayo in Dowladda Kenya ay raalli ka tahay farmuuqa Soomaalida ku lidka ah.

Kenya waa dal iyo dad aad muhiim noogu ah xilliyo kala duwanna waa ay na soo gacan qabatay. Isla maantadaasna waxay taageertaa, ciidankeeduna ay naftooda u huraan nabadda Soomaaliya, taas oo ay wehliso Qaxootiga Soomaaliyeed ee Boqollaalka kun ah ee tobannaanka sano lagu marti gelinayay Kenya. Abaal weyn ayaan uga haynaa.

Annagu hore ayaan u soo gacan qabannay Kenya, oo waxaa Muqdisho Qaxooti ahaan loogu marti geliyay halgamayaal kikuyu ah oo gumeysi la-dirir iyo xornimo-doon ah. Maantana muhiim ayaan u nahay Kenya.

Inkasta oo taageerada Kenya ay noo fidisay ay tahay mid ka badan tan ay annaga naga heshay, haddana weli Kenya waxaan u nahay deris muhiim u ah nabadgelyada, ganacsiga iyo xirfadleyda Kenya ee ka shaqeysta dalweynaha Soomaaliya.

Xiriirka noocaas ah uma oggolaan karno in ay soo dhex galaan kala shaki iyo isku mashquulid.

Su’aalo adag ayaa maanta Soomaali horyaalla, kuwaas oo aan u baahan nahay in aan is weydiinno, gorfeyno, aragti ka lahaanno, jawaabna u helno.

Maxaa kallifay in Kenya ay aad u carooto si adagna ula hadasho Madaxdeenna maanta oo aan ahayn kuwii dacwadda geeyay Kenya? Aan ahayn kuwii xilka haayay markii dacwadda la qaadayay?

- Advertisement -

Su’aashaan waxaan isu weydiineynaa in aan fahamno sababta Kenya ay hadda uun caradeeda bannaanka u keentay maaddaama aanay caro intaa le’eg hore ugu muujin madaxdii hindistay dacwadda Badda sannadkii 2014?

Ma waxaa jira ballanqaad hore loogu sameeyay Kenya ama carrab laallaadin hore oo hadda looga baxay? Mise waa istiraatiijiyad cusub oo ay Kenya hadda la soo baxday? Mise wax baa siligleh oo sababay?

Si kasta oo ay tahay, waxaan u baahan nahay in aan is weydiinno waxa lagu baajin karo in Kenya ay ku dhaqaaqdo fal lid ku ah wadajirka dhuleed iyo kan badeed ee Soomaaliya?

Sidoo kale waxaan u baahan nahay in aan dhowrno derisnimo wanaagga naga dhexeeya oo dan u ah labada dal iyo Gobolweynaha aan ka wada tirsan nahay.

Waxaa na hor taalla su’aasha ah -Sideen ku baajinnaa is af garan waa’ oo aan ugu beddelnaa is af garad? Sideen ku baajinnaa in midkeen uu khalad ka fahmo midka kale, ka dibna uu ku khaldamo? Sideen u ahaannaa deris aan isku mashquulin ee iska warqaba, isxaq dhowra, isku kalsoon, siina xoojiya iskaashiga?

Ma habboona in aan hurda-socod ku tagno meel aan la aqoon. Waxaan u baahan nahay in aan xaqeennu lumin, sidoo kalena aan xiriirka aan la leennahay deriskeenna qiimaha badan Kenya aan dhaawac soo gaarin.

- Advertisement -

Waxaan soo jeedinayaa wadatashi Qaran oo Dowladda laamaheeda kala duwan oo ay ku jiraan Dowlad Goboleedyadu ay dhexdooda yeeshaan, lana yeeshaan Mucaaradka iyo hoggaamiyayaasha bulshada. Si loo helo ra’yi Qaran oo loo dhan yahay oo lagu baajiyo khatarta ka imaan karta in aan Kenya isku xad gudubno.

Anigu ra’yigeyga aan sii hormarsado. Waxaan ku aragti ahay Kenya. Waxaan qabaa sida ay ayaduba qabto oo caddaaladda ku dhisan. Waxaan leeyahay, ma dooneyno hal inji oo badda Kenya ah, kamana tanaasuli doonno hal inji oo baddeenna ah.

W/Q: Yusuf Garad

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Sanbaloolshe oo dib ugu soo laabtay Xildhibaannada Golaha Shacabka (Maxaa ka dhacay Jowhar?)

Agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa mar kale maanta dib u soo ceshaday helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho si...

Akhriso: Labada Qodob ee Shirkii Wadatashiga Qaran ku taageeray Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa Maqribnimadii caawa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga qaran ee madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay ee socday, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.Shirka...

20 ka mida Taliyeyaashii Sare ee Ciidamada Iran oo lagu dilay Weerarka Israel ku qaaday

Israa’iil ayaa waaberigii hore ee Jimcihii weerar culus ku qaaday dalka Iran, gaar ahaan goobaha nukliyeerka iyo saldhigyada milatari dalkaasi”Weerarkan oo lama filaan ahaa,...

Dowladda Somaliya oo Q/MIdoobay ka dalbatay in la kala diro kooxda Beesha Calamaka ee C6+

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in  la kala diro kooxda Beesha caalamka ee loo yaqaan C6+.Qoraal rasmi ah Wasiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

QoorQoor oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee hirgeliy Qorshaha Qof iyo Cod ee MD. Xasan Sheekh

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa noqdaymadaxweynihii ugu horeeyay ee ku dhaqaaqa  hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee uu wado Madaxweynaha...

Farmaajo oo dalbaday in Gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh laga qeyb geliyo Puntland iyo Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee wadatashi Qaran oo la mudeeyay 15-ka...

XOGAHA QARSOON

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

Siciid Dani iyo Axmed Madoobe oo is-afgarad ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, kuna soo jeeda…

Wararka laga helayo Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay is afgarad ku...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you