Cashadii xalay Madaxtooyada loogu sameeyay Wafdiga Madaxweyne Ismail Omar Gelle, cid kastoo soo abaabushay ama ka qeybqaadatay aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa,caawana Muqdisho waxey u tahay habeen qaaliya waayoo waxey kulmisay.
-Labo Madaxweyne oo Soomaaliyeed Md Mohamed Abdullahi Farmaajo, & Md Ismail Omar Gelle. oo ay horeyna u kulmin jirtay Sida Ex Md Xasan Sheikh & Md Geelle.
-Fanaaniin qaali ku ah Umadda Soomaaliyeed oo aan dhowr iyo 30 Sano is arag sida:- Xasan Aadan Samatar,Axmed Cali Cigaal, Salaad Derbi,iyo Xasan Greyt,C/kariin Jiir,Jiim Sh Muumin, Ustaad Barrow, Abwaan Shube,Abwaan Cabdi dhuux, Abwaan Xirsi Dhuux, Shimaali Axmed Shimaali, iyo qaar kaloo aan ka tageyba.
-Waxaase iiga muuqday goobta kala daadsanaan Kooxaha Fanka ee Soomaalida ah oo aan si fcn u abaabulneyn,koox walibana ay suugaan u gaar ah la timid fagaaraha ,Abwaan walibana uu gabaygiisa soo qaatay bilaa qorshe, taas oo waqti badan lumisay.
-Dhanka Protocol ka,dadka qaar oo masraxa ka hadlayay marka ay Madaxda salaamayeen waxay mar walba ku bilaabayeen Md Ismail Omar Geelle,ka dib ayey Md Farmaajo, Gud/Baarlamaankeena,& RW Kheyre sheegayeen, lkn nidaamku wuxuu ahaa iney Madaxweynaha Soomaaliya ku bilaabaan.

-Aroosyada & Marti soorka Wafuuda Caalamiga ahna dadka hala kala baro markii Fanaan hees qaadayaba masraxa dhoobanaya oo ku jaasaya.
-Amaanta Madaxweyne Ismail Omar Geelle ay caawa Fanaaniintu ku dhoobeyn oo aad u badneyd, iyadana mar baan is idhi armaa Madaxweynaheenu ka hinaasaa maadaama aaney kooxuhuba ku soo talagalin galin suugaan ay Madaxdooda ku amaanayaan., Hadii ay wax amaan ah oo Madaxdeena loo qaaday ay i dhaafeena yaan ley qaban Anigu ma daawane.

-Calanka Soomaaliya oo Masraxa ku yaraa, xataa markii uu Heeska Calanka Soomaaliya qaadayay Fanaankeena Awale Adan Anigoo yaaban baa Hooyooyinkii xaflada joogay malaha inta isheyn waayeen ayey Calan yar oo kuwa miiska la saarto ah u keeneen oo uu gacanta ku qabsaday, halka Calamo waaweyn oo kuwa walaalaheen jabuuti ah ay Masraxa dhoobnaayeen,
-Xiriirinta Munaasabadda oo aad u liidatay sababtuna waa qorsha xumo iyo jadwal rasmiya oo aan loo dhiibin Sxbkeey Jeyte eedana isagu malaha.
-Background ka dambe ee Masraxa ama decoration ka goobta dib haloogu laabto hadii aan wafuud caalamiya ku martigalin doono goobtaas inshaAllah.
-Waxaa Muqdisho markii ugu horeysay ku hoyanaya Fanaankeena qaaliga ah Cawaale Aadan oo aan Aniguba taageeraha u ahay.

-LIVE-ka Cashada oo qolyaha Facebooku oo iyaguna ay nagu wareeriyeen meelo badan, waayoo inteen Video soo duubeen ayey Live noogu qoreen markaad shidato waxeyba soo marayaan caawa 8-dii fiidnimo Clip aad soo fiirsatay yaab hhh
-Ugu dambeyn Muqdisho waxey marti galineysaa marti badan oo Walaalaheen ah, mana aha markii ugu horeysay ee horay bey u soo martigalin jirtay.
GUULEYSTA.
-Wax badan oo wanaagsanna waa jireen lkn lama soo koobi karo waana ku mahadsan yihiin dadkii howshaas qabtay.
NB/- Qodobada aan taataabtay igama aha dhaliil ee waa tilmaan wax toosineysa maadaama aaney howlwadeenada kala duwan ee goobta gacanteydu wada gaarin.
Mahadsanidiin.
W/Q: C/qaadir M. Farax Dulyar