Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dooneyso wadahadal ay la gasho Xarakada Alshabaab oo muddo 15 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.
Arrintan ayaa salka ku heysa khudbad uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh xilli uu ku sugnaa dalka Norway, taasoo uu ku sheegay in cidda wadahadalka diidan ay ahayd Alshabaab oo ku xiran Alqaacidada caalamiga ah.
Siyaasiyiin iyo Mucaaradka dowladda Xasan Sheekh ayaa baraha bulshada ku faafiyay qorshe aan caddeyn loo heyn oo ku saabsan in dowladaha Norway iyo Qatar ay wadaan dadaalka wadahadalsiinta dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee arrintan ka hadlay waxaa ka mida Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo sheegay in dalalka Qatar iyo Norway, ay weligood waa wadeen in wadahadal lala furo Alshabaab ilaa xilligii Dowladii Sheekh Shariif, isagoo ka digay inuu wadahadalku noqdo qarsoodi.
Dhinaca kale la-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa beeniyay inay Dowladda Federaalka wadahadal kula jirto Al-shabaab (Al-Khawaarij), isla markaana uu madaxweyne Xasan Sheekh ku xiray shuruudo cad.
“Alshabaab waa inay gooyaan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah oo ay aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waana inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan”. ayuu yiri Xuseen Macalin.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wadahadalka la sheegay inuuu furmayo dowladda Soomaaliya uu yahay mid laga fahmay hadallo kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay mucaaradka dowladda faafiyeen, balse aan xaqiiqo ahaan u jirin xilligan.