Monday, February 10, 2025

Maxaa ka jira inuu Farmaajo kulan Qarsoodi ah la yeeshay Jen. Saadaq Joon? (Saraakiishii badbaado Qaran)

Madaxtooyada ayaa abaabushay kulanka iyo warka la baahiyey ee kulanka Farmaajo iyo Jen. Saadaq Joon

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay qorshe uu doonayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xiriir kula yeesho saraakiishii badbaado Qaran ee ka hor timid muddo kororsigii 2-da sano ee fashilmay April 2021.

Warbaahinta qaar ayaa qortay in Maxamed Cabdulaahi Farmajao uu Madaxtooyada kulan kula yeeshay Jenaraal Saadaq Cumar Xasan ‘Joon’ oo ahaa talihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir, kaasoo uu Farmaajo xilkii ka qaaday, darajooyinkii ciidankana uu sheegay inuu ka rifay.

Ad

Dadka laga soo xigtay warkan oo qaarkood ku dhow yihiin Saadaq Joon ayaa sheegay in kulanku uu yimid kadib is-arag dhex maray Fahad Yaasiin iyo Jeneraal Saadaq Joon, kaasoo looga hadlay sidii ay u kulmi lahaayeen isaga iyo Farmaajo.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in warkan ay faafisay madaxtooyada Soomaaliya ujeedkuna ahaa in lagu kala furfuro saraakiishii Badbaado Qaran oo mar kale laga cabsi qabo inay ku lug yeeshaan iska hor imaad ka dhacaMuqdisho oo markan lagu doonayo in lagu beegsadao Farmaajo.

Kulanka dhex maray Saadaq Joon, Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo ayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ku sheegeen inuu ahaa is-cafis. Waxaana arrintaas uu Fahad Yasiin u xilsaaray xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

- Advertisement -

Dhinaca kale Saadaq Joon ayaa beeniyay jiritanka kulanka uu la yeeshay Farmaajo iyo is aragga dhex maray Fahad Yaasiin, isagoo ku tilmaamay warkan been abuur, laakiin xogta ayaa caddeyneysa in kulankan iyo qaabka loo baahiyey laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON