Waxaa soo baxay warar sheegaya in Xuuthiyiinta dalka Yeman ay xiriir la sameysteen kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, taasoo ah markii ugu horeysay ee xiriir noocaasi ah lasoo weriyo.
Warkan oo ay faafisay VOA-da waxaa la sheegay in laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka oo sheegay Al-Shabaab-ka ee Soomaaliya ay xiriir iskaashi la billaabeen kooxda Xuutiyiinta Yemen.
Saraakiishan oo aan la magacaabin ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab la shaqeynayaan Xuutiyiinta taasoo ah arrin la yaab leh oo walaac abuuri karta.
Xogtan ma jirto il kale oo laga soo xigtay iyo wax caddeymo ah oo loo hayo, balse VOA-da si ay u xoojiso warkan waxay soo xigatay Guuleed Axmed oo ah Nin Baraha bulshada ka taageera Somaliland oo leh mowqifyo xagjir ahoo, kaasoo sheegay in Xuutiyiintaay Al-Shabaab ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Ninkan ayaa ku doodaya in Xuuthiyiinta ay hore Al-Shabaab ugu direen 3 Injineer si ay gacan uga geystaan dhismaha hubka casriga ah iyo Bambaanooyin loo sameeyo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qacida.
Ishii ugu horeysay ee warkan baahisa ayaa wuxuu ahaa Telefishanka CNN ee Mareykanka oo sheegay 11-kii bishan June in Sirdoonka Mareykanka ay kasoo xigteen in Xuutiyiinta iyo Al Shabaab ay ka wadahadleen in Xuutiyiinta ay hub siiyaan Al Shabaab. Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa CNN u sheegay in aysan helin wax cadeyn ah oo toos ah oo ku saabsan wareejinta hubka.
Xuutiyiinta Yeman oo ah Shiico xiriir la leh Iiran ayeysan suuragal ahayn inay xiriir la yeeshaan Alshabaab oo ah koox Suni ah oo ka mida kuwa ugu adag ee aamisan in Shiicada lala dagaalamo, kuna qarxiyay Masaajidda dalal badan oo Muslimka ah.