Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay dib uga gurteen Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud oo aroortii shalay dagaal culus ay ku qaadeen Alshabaab.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay xeelad dagaal, iyadoo ciidamada dowladda ay tageen degaanka Ceel Cali Axmed ee duleedka magaalada Galcad, kadib dagaalkii cuslaa ee ka dhacay magaalada.
Waxaa ciidamada hore ugu sugnaa ciidamada kumaandooska Danab iyo Gorgor, iyadoo aysan magaaladaasi joogin ciidamada degaanka ee Macaawisleyda, taasoo culeys ku noqotay ciidamada.
Alshabaab ayaa faafisay qasaaraha dagaalkii Galcad, gaadiid dagaal iyo meydad fara badan, waxayna sheegtay inay ku dishay askr ka badan 150, halka dowladda Federaalka ay shaacisay inay dagaalka ku dileen 100 maleeshiyo oo Shabaab ah, iyadana ay ka dhinteen 7 askari.
