Wasaaradda Gaadiidka iyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa beeniyay qoraal lagu baahiyey Baraha bulshada oo lagu sheegay inay halis amni ay saaran tahay Garoonka ay dhici karaan weerarro argagixiso.
Qoraalka Wasaaradda iyo maamulka Garoonka Adan Cadde ayaa lagu sheegay in qoraalka la wareejinayo Baraha bulshada ee ku saabsan Amniga Garoonka Muqdisho ay tahay Been abuur, garoonkana ay gacanta ku hayaan hay’adaha Amniga oo iyaga looga danbeynayo.
Qoraal lagu saxiixay Maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaainta qaarkeed, kaasoo lagu sheegay inay soo gaartay xog muujineysa in Al Shabaab qorsheenayaan weerar ay ka geystaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Waxaa sii kordhaya halista amni ee caasimadda kasoo wajihi karta Alshabaab oo dagaallo culus uga socdaan Gobollada Dalka qaarkood, kadib markii ay weerarro is daba joog ah ka geysatay magaalada Beledweyne.
