Thursday, February 13, 2025

Maxaa ka jira in Weriye Jamaal Cusman lagu xayiray Muqdisho, kadibna la masaafuriyey..?

Weriyaha Soomaaliga ah ee la shaqeeya Telefishanka Channel 4 ee dalka Ingiriiska Jamaal Maxamed Cusmaan ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, kadib markii muddo kooban ku xayirnaa xeydaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada NISA ayaa la sheegay iana xayireen si uusan u soo dhaafin Garoonka, wuxuuna ku sugnaa Hotel ku yaalla Gudaha Garoonka, iyadoo weriye Jamaal Maxamed Cusmaan uu goor dhoweyd shaaciyey muuqaal, isagoo la socda diyaarad ka dhooftay Muqdisho, kuna sii jeeda London, siina mari doonta Intanbul.

Xariga Weriye Jamaal ayaa si weyn loogu hadal hayey Baraha bulshada, balse ma jirto wax war ah oo ay kasoo saareen Hay’adha Amniga iyo Dowladda Federaalka, halka wararka qaar sheegayaa in Xafiiska Ra’iisal wasaarha isku dayey xal loo helo arrinta Weriye Jamaal Maxamed Cusmaan.

Ad

Xildhibaannada Qaraabada Weriyaha iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inay isku dayeen inay Jamaal ku qanciyaan in la siiyo ilaalo, lana ogaado goobaha uu tegayo, kadib markii uu diidayna uu ka door biday inuu dib u laabto.

Weriyahan ayaa caan ku ah xiriir uu la leeyahay Alshabaab, isagoo barnaamijyo waaweyn kasoo sameeya degaanada ay taliso Al-shabaab, isla markaana wareysta madaxda sare ee kooxdaasi, waxaaana lagu baahiyaa Telefishanka Channel-4 TV.

Dhowaan ayey ahayd markii Weriye Jamaal uu tegay Degaanada Jubbooyinka ee Alshabaab, isagoo wareystay Mahad Karate oo ka mida hogaamiyeyaasha sare ee kooxda Al-shabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON