Saturday, January 25, 2025

Maxaa ka jira in Prof. Jawaari uu RW Saacid ka hor istaagay inuu ka hadlo Baarlamaankii 2013? (Xaqiijin)

Maalmahan waxaa baraha bulshada si weyn ugu baahay war ku saabsan in Guddoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusman (Jawaari) uu mudan yahay in loo diido u tartanka Baarlamaanka 11-aad, taasoo sabab looga dhigay inuu sanadkii 2013 ka hos istaagay Ra’iisal wasaarihii xilligaasi inuu ka hadlo, iskana difaaco mooshin Baarlamaanka ka yaallay.

Warkan oo markii hore ay faafiyeen kooxaga CBB-da lo yaqaan ee baraha bulshada ka taageera madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa waxaa markii danbe qeyb ka noqday oo ku sirmay siyaasiyiin, dad caadi ah iyo mas’uuliyiin kale oo arrintan u soo qaatay inay tahay xaq la iska gudayo.

Haddaba xaqiiq raadin uu Goobjooge.net sameeyay ayaa lagu ogaaday inay been abuur tahay arrintan oo aysan jirin inuu Guddoomiye Jawaari wax hor istaag ah ku sameeyay Ra’iisal wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), balse ay xildhibananada Baarlamaanka cod u qaadeenm sidaasina ku diideen inuu Baarlamaanka la hadlo, iyadoo weliba Jawaari kula taliyey inay u ogolaadaan inuu la hadlo.

Ad

Waxay ahayd maalin Axad ah December 01, 2013 markii Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa diideen inuu hadal u jeediyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaddib codsi ka yimid ra’iisul wasaaraha oo uu ku dalbadayay inuu doonayo inuu la hadlo baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ajendaha kulanka maalintaasi ku daray codsiga Ra’iisal wasaare Saacid ayaa u sheegay in xildhibaannada ay ogolaadaan codsiga Saacid, laakiin markii cod loo qaaday 141 xildhibaan ayaa diiday inuu hor tago baarlamaanka, halka 7 xildhibaan kaliya ay u ogolaadeen.

Dadka arrintan ka hadlay ee lagu marin habaabiyey oo fara badan, waxa ka mida Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax oo yiri: “Prof Jawaari waa oday dalka usoo shaqeeyay, ma mudna in laga hor-istaago tartanka, Professor-ku wuxuu hadda kahor hor-istaagay RW Saacid si uu iskaga difaaco mooshin laga keenay, adduunyadu waa giraan. Madaxda maanta tacadiga samaynaya waa hubaal bari inay dhibanayaal noqondonan”.

- Advertisement -

HOOS KA DAAWO MUUQAAL MUUJINAYA XAQIIQADA SIDII AY U DHACDAY ARRINTAN

MUUQAALKA LABAAD WAA DOODII XILDHIBAANNADA EE ARRINTAN OO UU KA DHEX MUUQDO AUN CABDI XOOSH JIBRIIL

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON