Ciidamada Amniga Dowladda Federaalka ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhaqaaqay tallaabooyin haweenka iyo ragga looga ururinayo Koofiyadaha, Cimaamadaha iyo Indha-shareerka.
Arrintan oo in muddo ah si hoose ku socotay oo ciidamada Amniga qaarkood ay fulinayeen, iyagoo ku amraya haweenka wata Indho-shareerka inay siibaan, kana ururinaya iygoo si xun ula dhaqmaya.
Dhinaca kale waxaa dhacday in ciidamada amniga qaarkood ay Koofiyado iyo Cimaamado ka furteen rag ay ku baareen fariisimaha koontaroolada ah, taasoo dhalisay xaalad cusub iyo qeylo-dhaan qabsatay Baraha bulshada.
Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa beeniyay in laamaha ammaanka Muqidsho uu kasoo baxay Go’aan amni oo lagu mamnuucayo xirashada indha-shareerka, koofiyadaha iyo cimaamadaha dadku xirtaan.
“Majiro go’aan Amni oo lagu mamnuucayo ama wax lagu yeelayo calaamadaha Diimeed iyo kuwa dhaqan ee Bulshada Soomaaliyeed. Waa dicaayad cadawgu ka danbeeyo wararka la xiriira arintaas waana in aan lagu kadsoomin” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin.
Taliyaha booliiska gobolka Banaadir ayaana ugu baaqay shacabka cidii la kulanta tacadi la xariira in laga dhigo indha-shareer ama koofiyado in ay lasoo xiriiraan booliiska iyagoo soo wacaya numberkooda gaarka ah.