Saturday, May 17, 2025

Maxaa ka jira in Mukhtar Roobow loo ogolaaday tartanka Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed..?

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in musharaxa xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) loo fasaxay inuu u tartamo xilkaasi.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay magaalada Baydhaba gaareen Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh shirar gaara oo waqti dheer qaatay la yeeshay Sheekh Roobow, taasoo ugu danbeyn keentay in si hoose loo dhammeeyo arrintan.

Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay war-saxaafadeed Sheekh Roobow looga hor istaagay inuu isku sharxo xilka madaxweynaha K/Galbeed, taasoo sabab looga dhigay inay saaran yihiin xayiraadyo caalami ah.

Ad

Labada dhinac  dowladda Federaalka iyo Sheekh Roobow ayaan ka hadlin arrintan, iyadoo horeba uu Sheekh Mukhtaar Roobow isaga dhega tiray amarkii Wasaaradda Amniga, waxayna tani noqon doontaa fashi kale oo dowladda kasoo wajahay arrinta musharaxnimada Roobow.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON