Waxaa muddooyinkii danbe la hadal hayay safar madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tego dalka Mareykanka, socdaalkaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay arrimo caafimaad oo madaxweynaha quseeya, wararka qaarkood ayaa sheegaya in qalliin lagu sameynayo madaxweynaha.

Goobjooge.com ayaa xaqiijisay safarka caafimaad ee madaxweynaha ku tegayo dhowaan Mareykanka iyadoo ujeedadu tahay in qalliin lagu sameeyo madaxweynaha, kaasoo looga sameynayo dhinaca madaxa. Waxayna wararku intaas ku darayaan in qalliinku aanu ahayn mid culus balse loo soo jeediyay madaxweynaha kadib markii la sheegay inuu jiro guux madaxa uga furan.
[ad name=”HTML-2″]
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horaantii Bishii Febraayo safar caafimaad ugu tegay dalka Jarmalka halkaasoo baaritaan lagu sameeyay, wuxuuna markaasi sheegay inuusan wax caafimaad darro ah qabin, balse uu hubin caafimaad sameynayay, markii da’diisa la gaarana ay qasab tahay in la is baaro.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-1″]