Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo is-miidamain ah oo maanta ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegatay in ciidamadeeda is-miidaamiyeyaasha ah ay laba werar oo qaraxyo ah la beegsadaan xerada ciidamada Itoobiya ee degmada Dooloow ooo ku taalla xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Waxay intaas ku dareen in Qaraxa hore lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Itoobiya, halka camaliyada labaad lagu qaaday kaydka hubka iyo saanada saldhigga Kabaaso.
Alshabaab waxay sheegtay in qaraxyada burbur keydkii hubka iyo qasaare dhimasho iyo dhaawac lah, balse maamulka degmada Doolow ayaa beeniyay inay wax qaasaare ah geysteen qaraxyada.
Ciidamada Itoobiya ayaa Gaari is-miidaamin ah ku qarxiyay bannaanka saldhiga, markii la duqeeyay, halka Gaariga kale uu ku qarxay Iridka Saldhigga, mana jiraan qasaare, marka laga reebo dhaawcayo.