Tuesday, October 3, 2023

Maxaa ka jira in Alshabab la wareegtay Degaan ka tirsan Mandheera, W/Bari Kenya?

Wararka aga helayo Gobolka Waqooyi Bari, Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay xalay weerar ku galeen degaanka Wargaduud ee hoostaga maamulka Mandera.

Weerarka degaanka Wargaduud oo 40KM u jira Ceelwaaq ayaa la sheegay in lagu dilay saddex skari iyo qof shacab ah, sida Warbaahnta Kenya soo werisay, iyadoo weli ay soo baxayaan wararka ku saabsan weerarkan cusub ee Alshabaab qaaday oo sidoo kale lagu burburiyay Anteenadii isgaarsiinta Safaricom ee degaankaasi.

Dhinaca kale War ay soo saartay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay la wareegeen Warguduudo oo ka tirsan dhulka Kenya gumeysato, isla markaana ay cagta ku mariyeen ciidamada ‘Quick Response Unit (QRU) iyo kuwa Administration Police Services (APS).

Ad

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka uu weli socdo ayna la wareegeen degaanka Warguduudo, halkaas oo khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur xarumo, gaadiid ioogu geystay Kenya

Ma jito weli wax War ah oo kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari iyo ciidamada Kenya, iyadoo weerarkan uu imaanayo weerar kale oo shalay Alshabaab ay shalay ku qaaday degaanka Gerile ee dhowaan ay ka baxeen ciidamada Kenya ee ATMIS.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!