Thursday, October 10, 2024

Maxaa ka jira in Alshabaab ka wareegtay qeybo ka mida Maamulka Mandheera?

Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarrada ay ku qaadeyso Gobolka Waqooyi Bari, ee raacsan dalka Kenya, iyadoo la sheegay inay hadda maamusho degaano ka mida.

Guddoomiyaha ismaamulka Mandhera Maxamed Aadan Khaliif ayaa markii ugu horeysay shaaciyay 60% ka mida ismaamulka Mandheera ay gacanta ku heyso kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray in joogitaanka dagaalyahanada Alshabaab ee Degaanadaasi ay saameyn ku yeelatay adeegyadii gobolka iyo amnigii degaankaasi oo sii xumaaday.

Ad

Guddoomiyaha Mandheera ayaa arrintan ka sheegay kulan looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa Amniga falalka amni darro ee Al-Shabaab ka wadaan gobolka Waqooyi Bari.

War fal celin ah oo uu soo saaray Guddoomiyaha ismaamulka Mandhera Maxamed Aadan Khaliif ayuu ku sheegay in si xun loo fasiray warkiisa  oo aanu oran in boqolkiiba 60 kamida ismaamulka Mandhera ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, balse uu sheegay inay dhaqdhaaq ka wadaan.

- Advertisement -

“Waxaan arkay in hadalkaygii ku aadanaa joogitaanka Al-shabaab ee xadka Soomaaliya iyo Kenya ee Mandheera si qaldan ay warbaahintu u dhigtay.. waxaan si cad u qeexay in joogitaanka iyo muuqashada Al-shabaab ay 60% ka badan tahay” ayuuna yiri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON