Thursday, February 13, 2025

Maxaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho..? (Shirkado isku heysta Qandaraas)

Xaalada kacsan iyo Maamul xumo weyn ayaa ka taagan garoonka Aden Cadde ee Diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib khilaaf ka dhashay Qandaraaska Shidaal siinta Diyaaradaha yimaadama Muqdisho.

Khilaafkan oo keenay inuu xilka iska casilo wasiiru dowlihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Maxamed Cumar Caananuug oo isaga iyo wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal ay isku qabsadeen Shirkadda hore u heysatay ee Prime Aviation Fuel oo wasiiradda ay shaqada ka joojisay.

Khilaafkan ayaa keenay jahawareer ku yimid shaqadii garoonka, taasoo sumcad xumo iyo fadeexad usoo jiideysa dowladda Federaalka oo kaliya toos u maamusha Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho.

Ad

Duulimaadyadii Garoonka iyo diyaraadihii imaan jiray ayaa khalkhal galay maanta, kadib khilaafka ka dhashay cidda xaq u leh bixinta adeegga shidaalka Diyaaradaha oo ganacsi laga sameeyo, waxaana weli taagan saameynta ka dhalatay arrintaasi.

Maamulka Hay’adda Duulista rayidka ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyay wararka laga baahiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo sheegay inuusan jirin hakad galay shaqadii Garoonka.

Qandaraasyada keenay isku dhaca ayaa la ogaaday in shirkad kasta ay gacansaar la leeyihiin qaar ka mida madaxda Sare ee dalka, waxayna arrintu noqotay dagaal mashaariic iska horjeeda oo magaca dowladda lagu kala jiidanayo.

- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Fardowsa Cigaal ayaa lagu eedeynayaa ku takri fal awoodeed, faragelin maamulkii hay’adda Duulista hawada iyo ku dhaqaadista xil magacabis iyo ka qaadis fara badan, taasoo keentay in khilaafka hawada u soo baxay ee saameeyay isha ugu weyn ee muuqaalka dowladnimada waa Garoonkii Diyaaradha Caasimadda.

Diyaarad ay u kireysneyd Q/Midoobay oo lagu qabtay Garoonka

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON