Sunday, April 27, 2025

Maxaa ka dhacay Cows-weyne..? (Dagaal Qasaare badan dhaliyey)

Dagaal aad u culus ayaa degaanka Cows-weyne ku dhex maray ciidamada dowladda Federaalka iyo maleeshiyada Al-shabaab.

Cows-wwyne oo 20 kiilo mitir u jira degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud ayaa ku bilowday arax is-miidaamin ah, waxaana kadib dhacay dagaal toos ah oo qasaare badan dhaliyay.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku ekeeyeen saldhigyadii ciidamada dowladdu ee deegaankaasi oo dhowan Alshabaab ay ka baxeen, waxa dhacay sida la sheegay duqeymo ay fuliyeen diyaarado Drone ah.

Ad

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamadeeda ay fashiliyeen weerarkaasi ayna ka war hayeen, balse xogta dagaalka iyo dadka degaanka ayaa sheegay in qasaare badan uu halkaasi kasoo gaaray.

Alshabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 3 saldhig la wareegeen, halkaasna ay ku dilen ilaa 178 askari, ayna ku qabsadeen dhammaan qalabkii iyo saanaddii ciidan ee taallay saldhigyadaasi oo ay ka mid yihiin gaadiidka gaashaaman iyo tiknikada dagaalka.

Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay  sheegashada Alshabaab, inkastoo dadka degaanka laga soo xigtay inuu dagaalku geystay qasaare weyn oo gaaray ciidamada dowladda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON