Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerarkii cuslaa ee shalay aroortii ay Alshabaab kula jarmaaday saldhigii Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee Buulomareer, Gobolka Sh/Hoose.
Weerarka oo qaraxayo is-miidaamin ah ku bilowday ayaa la xaqiijiyey inay Alshabaab u suuragashay inay gudaha u galaan Saldhigga iyo magaalada Buulo-mareer, waxayna soo bandhigeen Alshabaab ilaa laba Kaare oo midkood la gubay, meydadka ciidamo ku dhow 10 iyo maxaabiis ilaa 3 askari oo Ugandes ah.
Alshabaab waxay sheegatay inay weerarka Buulomareer ku dishay askar gaareysa 137 oo u dhashay dalka Uganda, balse sooma bandhigin, mana jirin hub badan ay soo bandhigtay, iyadoo la is weydiinayo waxa dhacay…?
Howlgalka ATMIS ayaa xaqiijiyay weerarka; markii hore wuxuu ku gaabsatay inay xaaladda qiimeynyaan, balse qoraal kale oo uu xalay soo saaray ayuu ku sheegay in duqeyn ay qaadeen ATMIS iyo saaxiibada caalamiga ah lagu burburiyey hubkii ay wateen kooxdii Alshabaab ee weerarka ku qaaday Buulomareer.
“Dagaalka u dhaxeeya argagixisada iyo Ciidanka ATMIS waxaa xigey in Waaxda Ciidamada Cirka ee ATMIS iyo saaxiibadooda ay burburiyeen dhamaan hubkii ay wateen maleeshiyada Al-Shabaab. Hawlgalka ATMIS waxuu ucadeynayaa dhamaan bulshada iyo hayadaha kale ee wadanka jooga in xaalada ladajiyey hawlahana ay caadigii ku soo laabteen”.” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS.
Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa sheegtay in weerar Cirka iyo Dhulka ah lagu qaaday Afar degaan oo hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellaha Hoose, isla markaana howlgalkaasi agu laayay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab waxaana lagu bur-buriyay Gaadiid waday Saanad Ciidan oo kala duwan iyo qoryo culus.
Waxaa weli yar faahfaahin buuxda oo ku saabsan dagaalkii Buulomareer iyo duqeyntii ka danbeysay, balse waxaa muuqata in weerar jawaab celin ah oo duqeyn ah lagu qaaday maleeshiyadii Alshabaab ee weerartay Buulo-mareer, taasoo keentay in qasaare weyn soo gaaro Alshabaab.
Weli waxaan la xaqiijin karin tirada qasaaraha labada dhinac kasoo gaartay dagaalkii Buulomareer iyo Duqeynta ku xigtay, balse waxaa bilowday tacsi loo dirayo AMISOM iyo dalka Uganda oo ku saabsan askartii waxyeeladu ku gaartay Saldhigga Buulomareer.
Dowladda Mareykanka ayaa dirtay tacsidii ugu horeysay, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller.
“Dowladda Mareykanka waxaysi kulul u cambaareyneysaa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer oo ay ku sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha waxaanan u rajeyneynaa caafimaad buuxa kuwa ku dhaawacmay”. ayuu yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha dibadda Maraykanka.
Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku cambaareynayo weerarkii Saldhigga ciidamada ATMIS ee Buulomareer. “Weerarkii ka dhanka ah askarta fulinaysa hawlgallada taageerada nabada ee Soomaaliya waxa uu kaliya xoojinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan garab istaagno gobolka iyo in aan la xisaabtano kuwa mas’uulka ka ah weerarradan foosha xun ee joogtada ah” ayaa lagu yiri Bayaanka Midowga Afrika.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda ay Guddi baara weerarkii Buulomareer u soo dirtay Soomaaliya, waxaana guddiga hoggaaminaya Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalka Uganda Gen. Kayanja Muhanga, waxayna Wasaaradd Dadweynaha dalkaasi ka dalbatay inay deganaansho muujiyaan.
