Monday, February 10, 2025

Maxaa isku soo beegay socdaalka Madaxweynaha Turkiga iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ee Dalka Qatar?

Madaxweynaha Turkiga iyo Dhaxal-sugaha dalka Sacuudiga ayaa booqasho shaqo mar qura ku tegaya dalka Qatar, iyadoo xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Sacuudiga uu aad xumaaday muddooyinkii danbe.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo arrintan ka hadlay ayaa maanta sheegay in booqashooyinka isku marka ah ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku tagayaan magaalada Doha ay tahay jadwal isku beegmay oo kaliya.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu wadajir ula qabtay dhiggiisa dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar wuxuu caddeeyay in Xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Qatar uu yahay iskaashi istiraatiji ah ku dhisan oo aan caadi ahayn, ayna iska kaashadaan dhinac kasta.

Ad

Madaxweynaha Turkiga iyo Amiirka Dalka Qatar ayaa la filayaa inay kala saxiidaan 12 heshiis inta uu socdo shirka toddobaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Istiraatiijiyadda labada dal.

Madaxweyne Erdogan ayaa socdaalkiisa dalka ka hor sheegay in inay ka shaqeyneynaan horumarinta xiriirka Turkiga iyo Qatar iyo dhammaan dalalka Khaliijka.

Waa markii ugu horeysay ee Dhacal-sugaha Sacuudiga uu tago dalka Qatar intii la soo celiyey xiriirka labada dal, waxaana Sacuudga hore u booqday Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad, waxaana dib usoo laabtay xiriirka buuxa ee labada dal.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON