Saturday, May 17, 2025

Maxaa iska bedelay Maxamed Xuseen Rooble..? (Warbixin Kulanka maanta dhex maraya Mucaaradka)

Waxaa maanta lagu wadaa inuu kulankii ugu horeeyay magaalada Muqdisho ku dhex maro Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharraxiinta mucaaradka ah.

Kulankan oo la filayo inuu ka hotel ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa imaanaya kadib dadaal weyn oo ay galeen xubno isugu jira Senatooro iyo xildhibaanno kasoo jeeda Beesha Ra’iisal wasaaraha oo doonaya in la qaboojiyaan xiisadda siyaasadeed ee caasimadda ka taagan kadib dhacdooyinkii 19-ka Febraayo 2021.

Ergada labada dhinac isaga dab qaadeysa ayaa kadib kulamo ay la kala yeesheen labada dhinac horumar ka gaaray in la is hor fariisto, kadib markii Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya uu aqbalay sida laga soo weriyey laba ka mida qodobaddii ay shuruud ahaanta u soo jeediyeen Musharixiinta ee ahaa in Raaligelin laga bixiyo weerarradii dhacay 19-ka Febraayo iyo in la ogolaado bannaabaxa Musharixiinta.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Xuseen Rooble uu dib u soo celiyey qodob ah in Musharixiintu ka qeyb galaan shirarka Wadatashiga Doorashooyinka, kaasoo uu sheegay inuusan awood u lahayn, laakiin ujeedka ugu weyn ayaa ah sidii loo baajin lahaa bannaanbaxa Berri ee Musharixiinta u qorsheysan iyo in Musharixinta lala furo heshiis si cadaadis loogu saaro madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ay isbaheysi leeyihiin.

Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa qeyb ka ah shirka maanta, waxaana dhinacooda laga rabaa inay soo saaraan war-saxaafadeedyo lagu cambaareynayo dhacdooyinkii 19 Febraayo.

Musharixiinta Madaxweynaha ayaa guddi ka kooban saddex xubnood oo kala ah Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur iyo C/kariin Guuleed u xil saaray la xaajoodka dhinaca Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble oo culeys lagu saarayo inay kaalintiisii meesha ka maqan tahay, waxaana shirka maanta ka qeyb galaya musharixiinta intoobada badan.

- Advertisement -

Ma jiro isbedel ku yimid Rooble, marka laga reebo cadaadisyo uga yimid beesha caalamka iyo Beeshiisa oo looga dalbaday inuu kaalintiisa qaato oo hoggaamiyo wadahadalka iyo xalinta khilaafka Doorashada.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaki weyn lagu qabaa inuu ka hor yimaado fulinta qodobadda waaweyn iyo shuruudaha ay wataan Musharixiinta Mucaaradka iyo maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON