Friday, March 28, 2025

Maxaa dhex maray Ra’iisal wasaare Kheyre & Shaqaalaha xafiiskiisa [Shaqaale la dhimayo]

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Xafiiskiisa.

Shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ka mida kuwa ugu badan ee ka howlgala hal xafiis ayaa maanta la isugu yeeray iyadoo Ra’iisal Wasaaruhu  kala hadlay xaaladda shaqada, isbedelka ku dhacay xafiiska iyo arrimaha horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda ay ku shaqeeyaan howl-wadeenada, ku xigeenka Xogyaha Joogtada iyo Agaasimeyaasha Waaxaha xafiiska, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub, si loo meel mariyo barnaamijyada uu Xukuumadda.

Ad

Warar ku dhow xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in la dhimi doono shaqaalaha fara badan ee xafiiskan oo ay ka mid yihiin in ka badan 20 xubnood oo ku qoran la-taliyeyaal Ra’iisal wasaare oo aan wax shaqo ah heynin iyo shaqaale fara badan oo intooda badan mushaar kaliya qaata.

Isbedelka la filayo in xafiiska Ra’iisal wasaaraha uu ka dhaco ayaa bilow u noqon doona dib u habeynta xafiisyada iyo ciidamada dalka oo xubno magac ahaan shaqaale u ah (Ghost Employees) ay mushaar ka qaataan dowladda.

Kulanka maanta ayaa ku koobnaa is-barasho iyo baraarujin howsha laga sugayo shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ah xafiiska fulinta ee dowladda.

- Advertisement -

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen Shaqaaluhu xuquuqdooda, iyagana lagula xisaabtami doono shaqada ay ummada u hayaan, ayna qeyb ka tahay qorshaha isla xisaabtanka ee Dawladda.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON