Monday, February 10, 2025

Maxaa dhex maray Axmed Qoorqoor iyo Cabdi Xaashi..? (Shirku ma Shir Farmaajo leeyahay ayuu ahaa…?)

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu hortaagan yahay ka qeybgalkiisa shirka Dhuusamareeb ee looga hadlyo Arrimaha Doorshada Dalka.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Cabdi Xaashi ka sheegay in Farmaajo uusan aqoonsaneyn Aqalka Sare, ayna caddeyn u tahay inuu diiday ka qeybgalka shirkaa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe oo Aqalka Sare xiriiriye u yahay.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu xiriir lasoo sameeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, ayna ka wadahadleen tegista shirka Dhuusamareeb 4, iyadoo Qoorqoor u sheegay inuusan shirka isagu lahayn ee kaliya Gogosha uu leeyahay, qof aanu Madaxweyne Farmaajo casuumin-na aysan keeni karin.

Ad

Guddoomiyaha Cabdi Xaashi ayaa la sheegay inuu ugu jawaabay: “Shirku Ma shir Farmaajo leeyahay ayuu ahaa.. Waxaan doonayey inaan ogaado in meeshu tahay meel Farmaajo..”, waxaana sidaasi ku idlaatay isku daygii Gudoomiyaha Aqalka Sare ku doonayey inuu uga qeyb galo shirka Dhuusamareeb.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON