Hoggaamiyaha Isbaheysiga Mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa laga cabsi qabaa inuu diido, kana hor yimaado natiijada doorashada Madaxweynaha dalkaasi oo shalay lagu dhawaaqay.
Ninkii sida adag uka tartamay ee William Ruto ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay 50.4%, waxaana natiijadaasi ku kala qeybsamay Guddigii Doorashada, iyadoo ay diideen wakiiladii doorashada u joogay Musharax Raila Odinga.
Maanta Duhurnimada ayuu Raila Odinga khudbad u jeedinayaa dadka Kenya, iyadoo laga cabsi qabo inuu ka hor yimaado natiijada doorashada oo markii shanaad uu ku guuldarreystay, taasoo dalkaasi gelin doonta muran kale oo sharci iyo qalalaase siyaasadeed.
Taageerayaasha Raila Odinga ayaa bannaanbaxyo rabshado wata ka dhigay magaalooyin dhowr ah, waxaana Raila laga rabaa haddii uu diido natiijada doorashada inuu muddo 7 maalmood ah gudahood dacwad u qorto Maxkamadda Sare ee dalka Kenya.
Waxaa dib u dhici doona xilligii kala guurka, iyadoo inta dacwadu socoto uu xilka sii heyn doono madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Uhuru Kenyatta, taasoo ka dhigan in xasilooni darro siyaasadeed ay wajihi doonto Kenya.
Kenya ayaa hore u soo martay qalalaase dad badan ku dhinteen oo ka dhashay muran doorasho, waxaaa uu Raila Odinga qeyb ka ahaa dhammaan shantii doorasho ee ugu danbeysay oo midkoodna aanu aqbalin in laga guuleystay.