Alshabaab ayaa baahisay mas’uul ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo ay sheegeen inuu isu dhiibay, taasoo dhalisay su’aalo badan oo aan laga jawaabin.
Abuukar Salaad Maxamuud ayaa wareysiga Alshabaab baahisay ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay degmooyinka Xamarweyne iyo Hodon ee Gobolka Banaadir, isagoo ahaa guddoomiyaha Arrimaha Bulshada, isagoo goostay inuu ku biiro Alshabaab.
Wareysiga laga baahiyay Ninkan oo sheegay inuu towbad keenay ayaa waxaa ka muuqatay inuu ahaa qof ku qanacsan fekerka Alshabaab, isagoo sheegay in si fiican loogu soo dhoweeyay.
Saacado kadib wareysiga ay baahisay Warbaahinta Alshabaab ayuu Abuukar Salaad soo muuqaal uu soo dhigay Facebook, kaasoo uu ku sheegay inay Afduubteen Alshabaab Bishii November 2021, isagoo xilligaas mareyay Wado mida caasimadda Muqdisho.
Wuxuu intaas ku daray in kooxdii afduubatay ee Alshabaab ay geysteen meel, kadibna ay ku qasbeen inuu wareysi bixiyo, sidaasina uu ku bixiyey wareysiga ay hadda baahisay warbaahinta Alshabaab.
Abuukar Salaad ayaa caddeeyay inuu bishii Disembar dalka uga dhoofay cadaadis ay ku hayeen Alshabaab dartiis, balse uu usoo noqday Aabihii oo xanuunsanaa, kadibna ay ku bilowday cadaadiska.
“Xalay ayaa waxaa dhacday in la baahiyo wareysigii ay iga qaadeen Alshabaab.. ujeedku wuxuu ahaa in kaarkeyga la gubo..” ayuu yiri Abuukar Salaad oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu caddeeyo sida ay wax u dhaceen.