Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaaha xukuumadda federaalka ayaa bilaabay magacaabidda mas’uuliyiin fara badan, iyadoo lagu soo beegay xiili ay soo dhowdahay sanadguuradii koowaad ee markii dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Saacadihii ugu danbeeyay waxaa soo baxay xilal cusub oo ay kala magacaabeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Xamsa Cali Barre, iyadoo la filayo in bishan isbedel lagu sameeyo mas’uuliyiin badan.
Madaxweye Xasan Sheekh ayaa laba wareegto oo uu shalay soo saaray xilal ugu magacaabay madaxweynayaashii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha ayaa xilalkii ka qaaday Agaasimihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaabow oo muddo dheer xilkaasi hayey, waxaana loo magacaabay Bashiir Maxamed Cali oo ka tirsanaa dhalinyarada xisbiga UPD ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kale Maareeye ku xigeenka Hey’adda Duulista Rayidka ayaa loo magacaabay C/weli Ibraahim Garyare oo ka mid ahaa xubnaha ka baxay xisbigii Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame, isla markaana u wareegay taageerayaasha dowladda Xasan Sheekh.
Waxaa cabsi xil ka qaadis soo wajahday agaasimeyaasha Wasaaradaha oo xilligan ah kuwa ugu badan ee la filayo inay xilalkooda waayaan, waxayna xubnaha la magacaabayo u badan yihiin xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh.