Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu jiro qasaare ka dhashay Doontii ku rogmatay saaka magaalada Beledweyne oo daadad ay harqiyeen.
Doontan oo isag socotay magaalada Beledweyne iyo degaanka Ceeljaalle oo ay dadku u barakaceen ayaa waxaa la socday mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Duqa Magaalada Baladweyne Safiya Sheekh Xasan Cali Jimcaalle, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo Masuuliyiin kale oo laga soo badbaadiyey shilkasi, waxaana weli la raadinayaa ilaa 8 qof oo maqan.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax oo ka badbaadya Doonta ayaa sheegay inay Biyo badan oo xoog leh Doonta gediyeen, ayna jiraan dad ku dhintay, wuxuuna intaas ku daray inay iyagu ka badbaadeen, balse ay tacsi u dirayaan dadkii ku dhintay, balse ay faahfaahin doonaan.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo Duqa Magaalada Baladweyne Safiya Sheekh Xasan Cali Jimcaalle ayaa hataan ku sugan meel banaanka ka ah Magaalada Baladweyne,kadib markii la soo badbaadiyey,waxaana socda gurmad lagu soo badbaadinayo dad Shacab ah oo doontaasi saarnaa.