Friday, December 1, 2023

Mas’uuliyiin ka tirsan G/Banadir oo lagu helay Shabaabnimo iyo Xukunno lagu riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno Xabsi ah ku riday mas’uuliyiin ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir oo ku eedeysnaa inay la shaqeetaan Alshabaab, waxayna maxkamaddu sii deysay xubno la sheegay in lagu waayey dembigii lagu eedeeyay.

Eedeysanayaasha xukunnada lagu riday waxay kala yihiin:

1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) oo lagu eedeeyay inuu Alshabaab u qaabilsanaa Gudbinta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka, waxaa Komputerkiis laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo Maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah

Ad

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Khawaarijta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Khawaarijta u qaabilsanaa Qeybta Faafinta Fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan Jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisha, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa Khawaarijta Qeybta Soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

- Advertisement -

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay ka taageri jirtay Khawaarijta baraha bulshada gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

- Advertisement -

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale

waxa afartooda ay Maxkamadda ku xukuntay Saddex sano oo xabsi il-kuheyn ah.

Dhinaca kale waxaa denbi lagu waayey oo Maxkamadu sii daysay: Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan).

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunkan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON