Dibadbax ay ka qeyb galeen mas’uuliyiintii ugu badnaa iyo Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay oo looga soo horjeedo werarkii ay Alshabaab ku qaadeen dadweyne ku sugnaa Xeebta Liido oo dad badan lagu xasuuqay ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda waxaa ku wehliyay dadweyne boqolaal ah, waxaana si weyn loogu cambaareeyay xasuuqii dhallinyarrada ee ka dhacay xeebta Liido, Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiinta bannaanbaxa ka qeyb galay waxaa ka mi ahaa Wasiiro, Wasiir dowleyaal, xildhibaanno, Xoghayeyaasha joogtada, Agaasimayaasha waaxyaha iyo howlwadeennada kale.
Mas’uuliyiiinta iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku soo bandhigay goobta lagu gumaaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan farriimo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan ficillada arxan-darrada ah ee khawaarijta ay kula kacayaan shacabka.