Qarax miino ayaa lagu beegsaday Gudoomiye ku xigeenka Degmada Yaaqshiid ee dhinaca arrimaha bulshada Cabdullaahi Yuusuf Maxamed Shiilow.
Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Hotelka Guuleed ayaa burbur xoog leh gaarsiiyey Gaariga  Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Yaaqshiid, waxaana ka badbaaday Cabdullaahi Shiilow, iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 ka mida askartii ilaalada u ahady oo la sheegay in qaarkood ay aad u liitaan.
Waa qarixii labaad ee miino oo maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo qarixii hore lala beegsaday Gaari ay wateen shaqaalaha wacyigelinta Covid-19 ee Gobolka Banaadir.