Saturday, March 15, 2025

Mas’uul ka tirsan Bankiga Adduunka oo Caddeeyay Cidda maalgelineysa Mashruuca ‘Baxnaano’.

Agaasime Goboleedka Bankiga Adduunka ee u qaabilsan dalalka Kenya, Somalia, Rwanda iyo Uganda Mr. Carlos Felipe Jaramillo ayaa shaaciyey in Barnaajimka ay dowladda Soomaaliya furtay ee ‘Baxnaano’ uu maalgeliyey Bankiga Adduunka.

Carlos Felipe Jaramillo ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa Twitter-ka ku yiri: “Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa furista mashruuca ‘Baxnaano’ (Response Safety Net for Human Capital Project -SNHCP) oo uu maalgeliyay Bankiga Adduunka. Qorshahan waxaa lacag Caddaan ah lagu siin doonaan dadka danta yar iyo Qoysaska liita..”.

Mashruucan oo Madaxweynaha Soomaaliya uu daah furay ayaan hore loo sheegin cidda maalgelineysa, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay dowladda ku kaalmeyneyso dadkeena, laakiin waxaa markii danbe soo baxday inuu ahaa mashruuc hore u jiray oo Bankiga Adduunka uu maalgelinayo, isla markaana ay fulinayaan Hay’adaha UNICEF iyo WFP.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON