Tuesday, September 10, 2024

Mas’uul cusub oo loo magacaabay xilka Agaasimihii baxsaday ee Canshuuraha Berriga

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Xukuumadda Soomaaliya ayaa sii-hayeyaal u magacaabay xilalka agaasimaha Waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyada iyo Ku-xigeenkiisa.

Xilkan ayaa waxaa muddo dheer soo hayey Muxiyadiin Xasan Jurris (Saabey) oo dhowaan dalka ka baxsaday, kadib markii lagu soo oogay kiisa dacwadeed ku saabsan musuqmaasuq oo lugaha lasoo galay.

Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyada ayaa sii-haye ahaan loogu magacaabay C/naasir C/llaahi, halka Khalid Bile Bariise loo magacaabay ku xigeenkiisa, sida lagu shaaciyay Wareegto shalay kasoo baxday Wasiirka Malaiyadda Cilmi Maxamed Nuur.

Ad

Agaasimaha cusub ayaa kasoo jeeda Beesha Abgaal, gaar ahaan Cabdulle-Galmaax, iyado lagu xaliyay cabasho beeshaasi ka qabtay xilalka dowladda, halka Agaasime Kuxigeenka ay qaraabo yihiin Agaasimihii hore ee dalka baxsaday.

Isla shalay waxaa xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada loo magacaabay mas’uul kasoo jeeda K/Gableed, iyadoo uu xiran yahay Agaasimihii hore oo loo heysto Kiis Musuqmaasuq.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON