Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay aas qaran oo caasimadda Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Waxaa salaadii Janaasada Marxuumka oo lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ka qeyb galay, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shegay in Marxuum Jawaari kaalin taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.
Allaha u naxariistee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi oo ku dhow xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.




