Tuesday, March 25, 2025

Marna kali talis xal uma arko, haddii Farmajo leeyahay kala doorta Aniga, Alshabab &.. (Qormo C/raxman C/shakur)

-

- Advertisement -

W/Q: C/raxman C/shakur Warsame

Soddon sano ka hor maanta oo kale ayey Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya duntay. Waxaan ahaa nin dhalinyaro ah oo dugsi sare soo dhameeyey, labo sano oo gurmad ah soo maray, dalkiisana shaqo iyo waxbarasho ka waayey, waxaan noqday xerow masaajida kitaabaha ka raacda.

Jabhado hubeysan ayaa rajiimkii kali taliska ahaa xukunka xoog kaga tuuray, kaddib markii lagu kari waaye in uu talada si nabad ah ku wareejiyo. Jabhadihiina taladii dalka iyo kala guurkii siyasadeed way ku heshiis waayeen.Toban sano kaddib ayaa magaalada Carta ee dalka Jabuuti Dowlad ku meel gaar ah lagu soo dhisay.

Toban kale ayey qaadatay in ku meelgaarkii laga baxo oo dunida laga aqoonsado dowladdeennii. Dowladda Soomaaliya waa mid taag daran oo tabar yar. Kooxda Al-Shabaab ee argagexisada ah waa xoog halis ku ah jiritaanka Dowladda, waxeyna doonayaan in ay dumiyaan. Dhinaca kale, waxaa jira xoog ay dunidu (Golaha Ammaanka) usoo xilsaaratay in uu Dowladda taagta daran ilaaliyo waana (AMISOM).

- Advertisement -

Xoogagga kale oo soo haray ee uu ugu horreeyo madaxweynaha, xukuumadda, labada aqal ee Baarlamaanka, Dowlad Goboleedyada, xisbiyada, siyaasiyiinta, waxey ku loolamayaan hoggaanka iyo talada ku habboon in dalka lagu hago, loogana saari karo taag darrida. Loolaankaas, waxaa garsoore ka ah qolada soo dirtay ciidanka ilaalada ah; waa beesha caalamka sidey u kala tun weynyihiin ayaa tweet koodu u kala tabar badanyahay.

“Kuma jiro kuwa u shalleysan kaligii taliskii hore ee dalka dagaalka sokeeye geliyey.

C/RAXMAN C/SHAKUR WARSAME

Maanta waxaa mugdi ku jiraa masiirkii doorashada iyo maareyntii xilliga kala guurka. Loomana sina ee Masuuliyaddeeda waxaa leh ninka dadka ugu xilka weyn oo ah Madaxweynaha. Nasiib darro waxaa ah in Madaxweyne Farmaajo uusan u fahamsaneyn in qabashada doorasho la isla oggolyahay oo si nabad ah ku dhacdaa ay guulihiisa wax qabad ka mid tahay. Taariikhdu waa tagto, haddana nool waa haddii lagu cibra qaato.

Cabsi weyn kama qabo in uu dhacayo dagaalkii billawgii sagaashankii oo kale. Sababtoo ah Soomaalida intii dalka joogtay, ama xeryo qaxooti ee dalka kale ku jiraa, silac iyo hoog nooc kasta leh ayey arkeen, intii qurbaha u qaxdayna nolol dabacsan, duni horumartay iyo ilbaxnimo ayey soo arkeen.

Haddii xoogagga uu madaxweyne Farmaajo ugu xil weyn yahay is fahmi waayaan, waxaa qasab ah in xoogagga kale, Al-Shabaab ama AMISOM midkood magan loo noqonayo. Haddiise Farmaajo leeyahay “ Aniga, Al-Shabaab ama AMISOM kala doorta” kolleey anigu marna kali talis xal uma arko, kumana jiro kuwa u shalleysan kaligii taliskii hore ee dalka dagaalka sokeeye geliyey.

W/Q: C/raxman C/shakur Warsame
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo Musharax Madaxweyne

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dowladda Soomalaiya iyo culimo kale ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Muqdisho, iyagoo ka hadlay dagaallada Alshabaab...

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Wasiirkii Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa loo doortay, kuna guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta ka dhacday magaalada Addis...

Madaxweynaha Turkiga oo ka hor yimid barakicinta Dadka Gaza, Donald Trump ku tilmaamay nin iska hadlay

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hor yimid qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku doonayo in Dadka reer Falastiin laga rarro Marinka Gaza.Erdigan...

Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

Madaxweynaha cusub ee Somaliland  C/raxmaan Maxame C/llaahi (Cirro) ayaa maanta ku dhawaaqay golaha wasiirrrada maamulkiisa oo guud ahaan ka kooban 28 Wasiir, wasiir ku...

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir iyo Taariikhdiisa oo kooban

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul...

Mucaaradka Hubeysan oo la wareegay talada dalka Syria iyo Madaxweynihii oo baxsaday

Dowladii Syria ayaa burburtay aroornimadii saaka, kadib markii ay qabsadeen jabhadaha mucaaradka, isla markaana uu dalkaasi isaga cararray madaxweyne Bashaar Al-asad.Kooxda mucaaradka Suuriy ayaa...

Guddiga Doorashooyinka Qaran oo doortay Guddoomiye iyo Xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray

Guddiga cusub ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.Guddoomiyaha Guddiga ayey xubnaha si gacantaag...

XOGAHA QARSOON

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka,...

XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.Mashuurca Hawada Sare...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you