Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horaanta sanadka soo socda la bilaabi doono howlihii sahaminta iyo Qodista Shidaalka Soomaaliya.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Bisha September uu dalka imaan doono Markab laga leeyahay dalka Turkiga, kaasoo sameyn doona sahankii u dambeeyey goobaha ku haboon in laga qodo Ceelasha Shidaalka.
Sidoo kale wuxuu Wasiirka sheegay in Sanadka 2025-ta la filayo in la bilaabo qodista rasmiga ah ee Shidaalka, taas oo noqonaysa tallaabadii ugu horeysay ee Soomaliya u qaadi doono diii ay uga soo bixi lahayad Kheyraadkeeda Dabiiciga ah.
Wasiirka Batroolka ayey Warbaahinta dowladda kasoo xigatay inay Soomaaliya ay xubin ka noqon doonto Hay’adda Caalamiga ah Tamarta laga dhaliyo Nukliyeerka (IAEA).