Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay xayiraad socdaal kusoo rogtay saraakiil ka tirsan dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo ku lug lahaa dagaalka ka socda Tigray iyo xayiraad dhaqaale oo la saarayo dalka Itoobiya.
Tallaabadan waxaa ku dhawaaqay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo sheegay in xayiraad dhanka dal ku galka (Fiisaha) ah lagu soo rogay saraakiil ka soo jeedo Itoobiya iyo Eritrea kuwaas oo lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen gobolka Tigray; waxaa kaloo xayiraadda ku jira saraakiil ka tirsan maamulka Amxaaradda.
Dhinaca kale Mareykanka ayaa xayiraaddan kale oo dhinaca dhaqaale iyo Amniga saaraya Itoobiya, iyadoo la joojinayo taageeradii dhaqaale iyo amni ee uu Mareykanka uu siin jiray Itoobiya.
Mr. Blinken wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in tallaabo caalami ah la qaado, si wax looga qabto dagaalka ka dhacay Tigray. Wuxuu intaas ku daray in dadkii ku lugta lahaa colaadda aysan qaadin tallaabo wax ku ool ah oo lagu soo afjarayo xiisadda.
Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii Febraayo ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritreaku xasuuqeen Tigray, bishii Nofeembar ee sanadkii tegay.
Sida ay hay’adda sheegtay, xasuuqa wuxuu ka dhacay magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka u dhexeeya dowladda Itoobiya oo garab ka heleysay Eritrea iyo TPLF oo dhinac ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa horraantii bishii March ee sannadkan ka jawaabtay hadal ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ee ahaa Itoobiya inay deegaanka Tigray ‘Ciribtir qowmiyadeed’ ka waddo. Itoobiya ayaa hadalkaas ku tilmaamtay ‘Mid khalad ah oo aan xaqiiqada ku saleysneyn”.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhex galay xaaladii ugu xumeyd ee soo wajahda markii uu dagaalka ku qaaday Gobolka Tigray, isagoo u adeegsaday ciidamo ka socda dalka Eritrea oo geystay xasuuq.
