Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogay nin Soomaali ah oo uu sheegay inuu ururka Daacish ee khilaaada Islaamiga dhinaca maaliyadda u qaabilsan yahay dalalka Afrika.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf, waxaana xilkiia lagu sheegay madaxa maaliyadda ee ISIS-Soomaaliya, sida lagu caddeeay Bayaan kasoo baxay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha dibadda ee Mareykanka.
ISIS-Somalia ayaa la sheegay inay ka mid tahay ururweynaha Daacish, wuxuuna C/weli Maxamed u qaabilsanaa soo saarista Dakhliga iyo inuu u qeybiyo qeybaha Qaaradda oo dhan ee ISIS.
“Wuxuu ku hawlanaa aadda hay’adaha maaliyadda, ganacsiyada maxaliga ah, iyo shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobaylada, iyagoo ka faa’iidaysta baylahda hay’adaha Soomaaliya si ay u maalgeliyaan hawlahooda, oo ay ku jiraan lacagaha moobilada lagu diro iyo xawaalad,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedk kasoo baxay dowladda Mareykanka.
Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa la sheegay inuu door muhiim ah ka qaatay gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibka ah, agabka iyo saanada dagaalka isagoo ka wakiil ah Daacish-Soomaaliya, taasoo xarun u ah bixinta dhaqaalaha iyo hagidda laamaha iyo shabakadaha Daacish ee ku yaalla qaaradda.
Cabdiweli Maxamed Yuusuf wuxuu ahaa madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacish-Soomaaliya ilaa sannadkii hore ee 2019. Yuusuf, oo xubin muhiim ah ka ah Daacish-Soomaaliya, waxa uu la kulmay oo warbixin siiyey madaxda kale ee Daacish ee Soomaaliya, oo uu ku jiro Amiirka Xafiiska ISIS Al-Karrar, C/qaadir Muumin iyo Amiirka Daacish-Soomaaliya Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud.
C/weli Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale amray in la gaarsiiyo dagaalyahanada Ajaanibta ah, agabka iyo saanad ciidan oo uu u soo wakiisho Daacish. Yuusuf ayaa qayb ahaan mas’uul ka ahaa maamulidda dakhliga ay soo saarto Daacish-Soomaaliya, wuxuuna u fududeeyay isu-gudbinta Daacish.