Wasaaradda Maaliyadda dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogtayy xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, iyadoo oagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin Ganasiga Hubka ee dalalka Bariga Afrika iyo Yeman.
Xubnha cunaqabataynta la saaray waxaa ka mida: Cabdirahman Mohamed Cumar, oo lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Daacishta Soomaaliya, iyo inuu yahay xubinta ugu firfircoon ee laga soo bilaabo 2020-kii hubka sharci darrada ah kasoo dejiya degaanada Puntland.
Waxaa kaloo Mareykanku xayiraad saaray Ciise Maxamud Yusuf, oo lagu eedeeyey inuu hubka iyo saadka u fududeeyo Al-Shabaab, islamarkaana uu kasoo dejiyo Hubka degaanada Puntland.
Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Cabdirahman Faahiye oo lagu sheegay inuu yahay Amiirka Daacish Soomaaliya, iyo Maxamed Axmed Qaxiye oo la sheegay inuu yahay madaxa Amniyaadka kooxda.
Waxaa hore loo ogaa inuu Daacishta Soomaaliya madax yahaya Sheekh C/qaadir Muumin, balse warka kasoo baxay Mareykanka ayaa caddeyn u ah in hoggaamiye cusub ay yeelatay Daacish-ta Soomaaliya, iyadoo caafimaadka Sheekh C/qaadir Muumin la sheegay inuusan wanaagsaneyn.
Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya.