Xabbad joojin cusub ayaa ka dhaqan gashay dalka Suudaan oo ay ku dagaalamayaaan muddo 10 maalmood ah ciidamada Milateriga dalkaasi iyo ciidamada Birmadda degdega ee sida gaarka ah u abaabulan.
Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa shaaciyey in wadahadallo adag oo socday 48-kii saacadood ee la soo dhaafay lagu gaaray xabbad joojin maanta bilaabatay oo u dhaxeysa ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan iyo xoogagga sida gaarka ah u tababaran ee RSF.
Xabbad joojinta oo ka dhaqan gashay guud ahaan dalka Suudaan oo dhan ah, ayaa bilaabatay saqdii dhexe ee Xalay oo ku beegan April 24-keeda, kuna eg muddo 72 saacadood ah.
“Si xal waara loogu helo, loona joojiyo dagaalka, wuxuu Maraykanku isku dubaridi doonaa, saaxiibada gobolka, kuwa caalamiga ah, iyo daneeyayaasha bulshada rayidka ah ee Suudaan, si ay gacan uga geystaan abuurista guddi kormeera wadahadalada, hirgelinta in si rasmi ah loo soo afjaro colaadda, iyo weliba kaalmooyinka bini’aadanimo ee dalka Sudan” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka.
Maraykanka ayaa sheegay inay sii wadayaan in kala shaqeeyaan dhinacyada Sudaan iyo weliba saaxiibada kaleba, sidii loo gaadhi lahaa yoolka guud ee ah, in xukunka dib loogu celiyo xukuumad rayid ah.
Waxaa hore u burburay oo shaqeyn waayey xabbad joojin dhowr jeer lagu dhawaaqay oo Qaramada Midoobay dalbatay, waxaana hadda muuqata in labada dhinac ay u hoggaansameen dadaalka cusub ee Mareykanku wado.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in rasaas xoog leh iyo qaraxyo laga maqlay maanta Barqadii agagaarka xarunta madaxtooyada magaalada Khartoum, waana isk hor imaadkii ugu horeeyay ee dhaca kadib xabbad joojinta.
Dhinaca kale israel ayaa ku yaboohday inay waanwaan ka dhex gasho dagaalka Sudan, waxayna soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay xiriir dhow la leedahay madaxda labada dhinac ee Milateriga Sudan iyo Ciidamada Birmadka degdegga.