Saturday, April 26, 2025

Mareykanka oo Weerarkii ugu horeeyay ku qaaday Xuutiyiinta Yeman iyo Digniin culus…

Ciidamada Mareykanka ee ku usgan Bada cad ayaa dagaal toos ah ku qaaday Kooxda Xuuthiyiinta Yeman, iyagoo Duqeeyay Doomo ay wateen ciidamo Xuuthiyiin ah oo ku jiray howlgal ay ka wadeen Badda Cas.

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa shaaciyay in Doomaha Xuutiyiinta ay weerrareen markab ganacsi, kadibna ay dagaal ku qaadeen Diyaaradaha Heklikobrada ee Mareykanka oo marayey koonfurta Badda Cas.

Falkan ayaa yimid, kadib markii markabka Maersk ee konteenarada uu qeyloo-dhaan dirtay xilli uu marayay Badda Cas ee dalka Yeman u dhow, isagoo ka baqay weerar uga yimaada Xuuthiyiinta.

Ad

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in Doonyaha Falaagada Xuuthiyiinta ay rasaas ku fureen markabka oo ay ku soo dhawaadeen, ayna isku dayeen in ay fuulaan markabka, balse diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka oo ka jawaabay arrintaas ay Gantaallo ku direen Doonyahaasi oo la quusiyay.

Xuuthiyiinta Doonyaha weerarka ku dhintay ayaa gaaraya 10 qof, balse Markabkii ay u suuragashay inuu shiraacdo oo socodkiisa sii wado, mana jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray.”

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka AP oo soo xiganeysa Taliyaha Ciiddanka Badda Maraykanka ee Bariga Dhexe ayaa sheegtay inaysan Xuuthiyiintu muujinin wax calaamad ah oo lagu joojinayo Weeraradda ka dhanka ah Maraakiibta Ganacsiga ee mara Badda Cas, isla markaana weerarradooda ay sii socdaan, siina ballaarteen.

- Advertisement -

Xuuthiyinta Yeman ayaa oo digniin culus u diray Mareykanka ayaa sheegay inay ka argoosan doonaan, waxayna caddeeyeen inaysan ogolaan doonin Badda Cas Markab u socda Israa’iil, inta Yuhuudda ay dagaalka ay ka wado Marinka Gasa..

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON