Tuesday, October 3, 2023

Mareykanka oo Somaliya siinaya lacag horumarin ah oo ku dhow $100 Milyan Dollar

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta kala saxiixday heshiis horumarineed oo Mareykanku Somaaliya ku siinayo lacag dhan $ 92.6 milyan oo dollar.

Heshiiskan ayaa ku saabsan taageero dhaqaale oo dowladda Mareykanka ku bixineyso barnaamijyada horumarinta Soomaaliya, sida xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo dowladnimada iyo awoodsiinta hoggaamiyayaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed

Waxaa dowladda Soomaaliya heshiiskan u saxiixay Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, iyadoo dowladda Mareykanka uu u saxiixay Shane Dixon oo ah sii hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Ad

Wasiir Beenebeene ayaa sheegay in heshiiska uu Soomaaliya ka caawinayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqalaaha iyo dowladnimada iyo awoodsiinta hoggaamiyayaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shane Dixon ayaa isna yiri “Heshiiskan waxa uu xoojinayaa 17 sano oo Maraykanku uu caawimaad horumarin siinayo Soomaaliya, aragtideena wadajirka ah ee adkeysiga, iyo sida ay nooga wada go’an tahay mustaqbal barwaaqo ah.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!