Sunday, April 27, 2025

Mareykanka oo sheegay Baaxadda dhulka laga qabsaday Alshabaab iyo Qasaaraha gaaray

Mareykanka ayaa sheegay baaxadda dhulka looga qabsaday Alshabaab wejigii koowaad ee dagaalkii Alshabaab lagu qaaday oo intiisa badan ka dhacay Gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa laga soo xigtay inuu yiri: “Hawlgallada ay dowladda Soomaaliya hoggaaminayso waxay Alshabaab looga xoreeyay saddex meelood-meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen Al-Shabaab. Soo af-jaridda caburiska Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.”

Mareykanka ayaa dagaalka Alshabaab uga qeyb qaatay Duqeynta Diyaaradaha Drone-ka, saanad iyo hub uu siiyay ciidamada Soomaaliya iyo la howlgalka ciidamada Danab ee uu tababaray.

Ad

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay in wejiga koowaad ee dagaalka Alshabaab looga dilay 3000, halka lagu dhaawacay 3700 oo kale.

Dhinaca kalena Af-hayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalkii dawladda Soomaaliya soo qaaday uu soo abaabulay Mareykanka, kuna dhammaaday fashil, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay idaacadda taageerta Alshabaab ee Al-furqaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON