Saturday, March 15, 2025

Mareykanka oo shaaciyey inuu Duqeyn ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab & Xaaskiisa oo qorsheeyay..

Milateriga Maraykanka ayaa shaciyey inuu duqeyn ku dilay sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo qorsheeyay weerarkii lagu qaaday saldhigga Milateriga Mareykanka ee Manda Bay, dalka Kenya.

Duqeyntan ayey sheegeen saraakiisha Mareykanka inay degmada Saakow ka dhacday 22-kii bishan Febraayo 2020-ka, iyadoo lagu dilay laba xubnood oo ka mida Alshabaab oo midkood uu yahay sarkaal weerarka abaabulay iyo xaaskiisa oo la sheegay inay ka mid tahay Alshabaab ayna sidoo kale fududeysay weerarro argagixiso.

Mareykanku ma sheegin magacyada sarkaalka sare ee Al-Shabaab mas’uulka uga ahaa qorshaynta iyo diyaarinta hawlgallada ka dhaca dhulka xuduudda la leh dalka,Kenya oo uu ku jiro weerarkii sladhigga Manda Bay iyo xaaskiisa, laakiin waxay sheegeen in labadan xubnood ay ku daba jireen ilaa 5-tii Janaayo.

Ad

Taliyaha AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa sheegay in Maraykanku uusan ka hari doonin kuwa qaba dhiigga Maraykanka iyo kan ciidamada Afrika oo meel kasta ay ku beegsan doonaan.

Alshabaab ayaa weerar lama filaan ahaa ku qaaday saldhigga Manda Bay, gobolka xeebta Kenya 5-tii Janaayo 2020, iyadoo weerarkaasi lagu dilay 3 qof oo Mareykan ah, laguna burburiyey 6 diyaaradood oo saldhigga ku sugnaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON