Dawladda Maraykanka ayaa shaacisay inay ku dishay hoggaamiyihii Sare iyo xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, kadib hawlgal ka dhacay buuraha Cal-Miskaad ee Gobolk Bari, maamulka Puntland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal Al-Suudaani oo ahaa, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, xilkaas oo dhowaan loo dhiibay.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale, inkastoo Maraykanku uu doonayey inuu qabto, balse ay maleeshiyaadka la joogay falcelis dagaal ah sameeyeen, sidaasina lagu khaarijiyay.
Halwgalkan ayaa Maraykanku sheegay inaanay waxba ku noqonin ciidamada Maraykanka. Maraykanku waxay sheegeen inay fulinta howlgalkan ku wargeiyeen dawladda Soomaaliya.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee dawladda Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay inaysan faahfaahin badan ka heynin, sida wax u dhaceen, balse ay soo dhoweynayaan dilka hoggaamiyaha Daacish.
