Sunday, March 16, 2025

Mareykanka oo Qirtay Qasaare ka dhashay Weerarkii Alshabab ee Saldhigga Lamu & xaalada oo..

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa soo saaray warkiisii ugu horeeyay ee weerar ay Alshabaab saaka aroorti ku qaadeen sladhiga ciidamada cirka ee Gobolka Lamu ee Xeebta Kenya.

Warkan ayaa lagu sheega in Cirka ee Manda dalka, Kenya ay weerar ku soo qaadeen saaka maleeshiyada Alshabaab, weerarkaasina ay dib u caabiyeen ciidamada Mareykanka iyo Kenya, iyadoo saldhiga la nadiifiyey, ayna socoto howlgal si buuxda gacanta loogu dhigayo.

Warka Africom ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay si weyn u buunbuunisay weerarka ay ku qaaday saldhiga, laguna yaqaan been abuur iyo ka badbadis ururkan argagixisada ah. Madaxa howlgallada Africom ayaa Gen. William Gayler ayaa sheegay in Alshabaab ay tahay Cancer oo laga hortagto inta uusan degaano kale ku faafin.

Ad

Qoraalka Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheega in xaaladda degaanka Manda ay weli qasan tahay, laakiin ma sheegin qasaaraha uu dhaliyey weerarka Alshabaab, laakiin waxa lagu sheegay in wararka hordhaca ay xaqiijiyeen in dhaawac la gaarsiiyey dhismaha iyo qalabka, balse ay socoto qiyaasta qasaaraha oo wixii soo kordha ay dib kasoo sheegi doonaan.

Warbixin ay soo saareen ciidamada booliiska Kenya oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegeysa weerarkan ay ku burbureen laba diyaaradood oo nuuca yaryar ah oo mid ay leedahay Kenya tan kalana ay Mareykanku lahaayeen.

Waxaa kale oo warbixintu sheegeysaa in laba diyaaradaha helekobtorrada ah iyo dhowr gaari oo ay Mareykanku lahaayeen ay ku burbureen weerarkaasi ka dhacay xerada militeri ee Manda Bay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON